Tobban qof isku-qoys ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Qiyaastii 20,000 oo dil ayaa laga diiwaan geliyaa sannad kasta dalkan ay ku nool yihiin 60 milyan qof.

NAIROBI, Kenya - Dabley aan heybtooda la garan ayaa weeraray guri ku yaalla magaaladda Pietermaritzburg ee dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo ay ku dileen 10 qof isku-qoys ah, sidda booliska xaqiijiyey

Taliska Booliiska ayaa baaraya sababta keentay toogashada. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray todobo dumar ah iyo saddex rag ah, sidda lagu xusay qoraal kasoo baxay bileyska.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee adduunka. Qiyaastii 20,000 oo dil ayaa laga diiwaan geliyaa sannad kasta dalkan ay ku nool yihiin 60 milyan qof.

Wasiirka booliska, Bheki Cele iyo maamulka sare ee booliska Koonfur Afrika, ayaa lagu wadaa in ay booqdaan goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay ee toogashada ugu dambeysay Jimcihii lasoo dhaafay.

Laga bilaabo Luulyo 1 ilaa Sebtembar 30, 2022, in ka badan 7,000 oo qof ayaa lagu khaarijiyey dambiyo loo gudbiyay Adeegga Booliska Koonfur Afrika (SAPS).

Ku dhawaad ​​1,000 haween ah ayaa ka mid ahaa kuwa la dilay intii lagu jiray muddadaas 2022. In ka badan 13,000 oo haween ah ayaa sidoo kale la kulmay dhaawac halis ah oo jirka ah, halka 1,277 haween ah ka badbaadeen isku day dil ah.

Dabley hubeysan ayaa siddeed qof ku toogtey saddex kalena way ku dhaawacmeen xaflad dhalasho oo ka dhacday magaalada Gqeberha ee gobolka Eastern Cape bishii Janaayo falkaasoo argagax xooggan abuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM