Todoba qof oo ku dhimatay masjid ku dumay waqooyiga Nigeria

Image
Dhacdadan ayaa daba socota in ka badan toban dhismo oo ku dumay dalka ku yaalla galbeedka Afrika sannadkii hore oo keliya.

ABUJA, Nigeria - Toddobo qof ayaa ku dhimatay kadib markii qayb kamid ah masaajid ay ka buuxeen boqollaal qof uu ku dumay magaaladda woqooyiga dalka Nigeria ku taal ee Zaria ee gobolka Kaduna, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyay galabnimada Jimcihii, afhayeenka golaha imaarada Zaria, Abdullahi Kwarbai, ayaa sidaas sheegay isaga oo aanan bixin wax fahfaahin dheeraad ah.

Saraakiisha gobolka ayaa caddeeyay in masaajidka la dhisay 1830-kii. 23 qof ayaa loo diray isbitaal, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee gobolka.

Muuqaal aad ugu faafay internet-ka isla markaana sida muuqata laga duubay goobta ayaa muujinaya furin ballaaran oo qayb ka mid ah saqafka ay ku dhacday.

Guddoomiyaha gobolka Kaduna Uba Sani ayaa amar ku bixiyay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo musiibada wuxuuna ballan qaaday inuu caawin doono dadka ay saameysay "dhacdada qalbi jabka leh".

Dhacdadan ayaa daba socota in ka badan toban dhismo oo ku dumay dalka ku yaalla galbeedka Afrika sannadkii hore oo keliya, waxaana ku nafwayaay tobanaan ruux.

Maamulka ayaa inta badan ku eedeeya masiibooyinka noocan oo kale ah in ay sabab u tahay fashilka ay saraakiishu ku fulin waayeen xeerarka badbaadada dhismaha iyo dayactirka iyo agabka dhismaha oo aan tayadoodu wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM