Toogasho ka dhacday Addis Ababa iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

ADDIS ABABA - Ugu yaraan labo Askari oo Booliska dowladda Itoobiya katirsanaa ayaa lagu dilay toogasho ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, sida ay saraakiisha amniga xaqiijiyeen.

Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya, Zeynu Jemal, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda FBC in falkan lagu dilay labada Askari uu fuliyay Askari kale, oo sida uu sheegeen maandooriyaha "alcohol" soo isticmaaley [Sarkhaansanaa].

Toogashada waxay ka dhacday Xaafadda Bole, waxaana uu Taliyaha intaasi ku daray in la dilay Askariga ka dambeeyay toogashada, mana lasoo sheegin khasaarooyin kale oo ka dhashay tacshiiradda.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray wax yar kadib markii uu falkan dhacay, iyadoo markii hore loo maleyeeyay in weerarka uu yahay mid argagaxiso oo lagu beegsaday Booliska Federaalka Itoobiya.

Addis Ababa, oo ah xarunta Midowga Africa ayaa amni ahaan ka duwan meelaha kale ee dalka Itoobiya, oo ay socdaan isku dhacyo u dhaxeeya qowmiyadaha u dhashay wadanka, oo muran dhanka dhulka ah iyo aanooyin isku dila.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM