Tunisia: Dad ku dhintey weerar lagu qaadey machad Yahuudeed

Image
Macbadka waa goob caan ah oo ay kumanaan Yuhuudi ah yimaadaan sanad walba.

TUNIS, Tunisia - Laba qof oo cibaadaysanayey iyo waardiye ayaa fiidnimadii Talaadada lagu dilay weerar lagu qaaday macbadka El Ghriba ee jasiiradda Djerba ee dalka Tunisia, sidda ay shaaca ka dhigeen mas'uuliyiinta waddankaas.

"Xubin ka tirsan ciidamada ilaalada badda ee Ahir Djerba ayaa dilay saaxiibkiis ka dibna u dhaqaaqay dhanka macbadka", ayay wasaaradda arrimaha gudaha ku sheegtay hadal qoraal ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in ninka weerarka geystay oo ay isku dhaceen ciidamada ammaanka, la dilay, sagaal qof oo dhaawac ahna isbitaallada ku dhow loo qaaday.

Macbadka waa goob caan ah oo ay kumanaan Yuhuudi ah yimaadaan sanad walba iyaga oo kasoo kala sara qaaradda Yurub iyo Israa'iil inta lagu jiro xilliga xajka.

Xujeyda ayaa u dabaaldegayay fasaxa waxa loo yaqaano Lag B'Omer waxaana kala qeyb-galaya qayb aad u tiro yar oo kamid ah Yuhuuda ku nool waddanka Tunisia.

Tuniisiya wax xiriir diblumaasiyadeed ah lama laha Israa’iil, balse Israa’iiliyiinta ayaa loo oggol yahay inay dalka soo galaan, taasoo qayb ka ah socdaallada habaysan ee jasiiradda si ay u soo xajiyaan.

Inta badan Muslim Tunisia waxay hoy u tahay mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuuda ee ugu weyn Waqooyiga Afrika. In kasta oo ay hadda ka yar yihiin 1,800 oo qof, Yuhuuddu waxay ku noolaayeen Tuniisiya ilaa wakhtiyadii Roomaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM