Madaxweynaha Tunisia oo lagu eedeeyay "abaabulka afgembi"

Image
Image
Image

TUNIS, Tunisa - Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada kaga joojiyay baarlamaanka kuna ceyriyay ra'iisul wasaare Hichem Mechichi tallaabada la cambaareeyay laguna tilmaamay weerar ka dhan ah dimuqraadiyadda kooxaha la tartamaya laakiin kuwa kale ay ku soo dhoweeyeen dabaaldegyo ka dhacay waddooyinka dalkan dhaca waqoyga Afrika.

Kais Saied ayaa sheegay Axadii in uu la wareegi doono awooda fulinta isaga oo gacan ka helaya ra'iisul wasaare cusub ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Tunisia kuwaas oo salka ku hayey qaabka ay dawladu u maareysay cudurka COVID-19 ee faafa iyo dhaqaalaha.

Waa caqabadda aad u weyn oo weli hortaagan taasoo ka dhalatay dastuurkii la meelmariyey 2014 kaasoo kala qaybiyey awoodaha madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo baarlamaanka.

"Dad badan ayaa lagu khiyaaneeyey munaafaqnimo, khiyaano iyo dhac xuquuqda dadka," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray oo uu ku daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyey: "Waxaan uga digayaa qof kasta oo ku fikira in uu hub adeegsado… iyo qofkii xabbad rida, ciidamada qalabka sida ayaa ku jawaabi doona rasaas".

Sidoo kale, wuxuu laalay xasaanadii dhamaan sharci-dejiyeyaasha xubinta ka ahaa baarlamaanka la kala diray, isagoo ku adkeystay "in ficiladiisa ay waafaqsan yihiin dastuurka".

Bayaanka ayaa daba socday kulan deg deg ah oo ka dhacay qasrigiisa markii kumanaan reer Tunisia ah ay socod ku mareen magaalooyin dhowr ah, iyadoo inta badan carada la saaray xisbiga Ennahdha ee haystay aqlabiyadda baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka Tunisia, Rached Ghannouchi, ayaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Saied inuu bilaabay "afgembi ka dhan ah kacaanka iyo dastuurka" kadib talaabadaas uu ku dhaqaaqay.

Tuniisiya waxaa hareeyay safmareenka dunida kala xiray ee COVID-19, iyadoo in ka badan 18,000 oo qof ay u dhinteen cudurka waddanka, halka ku dhowaad 12 milyan kale uu soo ritay. Ennahdha, oo la mamnuucay kacaankii ka hor, wuxuu ahaa xisbigii ugu codka badnaa ee soo mara tan iyo 2011 wuxuuna xubin ka ahaa isbahaysi dowlado kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM