Tunisia oo xabsi u taxaabtey 782 tahriibeyaal ay Soomaali ku jiraan

Image
In ka badan 37,000 oo muhaajiriin aan caadi ahayn ayaa lagu xiray xeebaha Tunisia kaliya sanadkii 2022.

TUNIS, Tunisa - Tunisia ayaa sheegtay Axadii in ay fashilisay 20 isku day oo tahriibayaal ah oo aan caadi ahayn oo ka dhacay waqooyiga dalkaasi ayna xireen 805 muhaajiriin ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka ciidamada qaranka ayaa lagu sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan 782 muhaajiriin ah oo ka kala yimid wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika iyo 23 Tunisian ah.

Hosam Eddin Al-Jababli ayaa waxa uu intaasi ku daray in isku dayga Tahriibka lagu fashiliyay magaalooyinka xeebaha ah ee Sfax, Nabeul, iyo Mahdia 5-6-dii May.

Al-Jababli oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in tilaabo sharci waafaqsan laga qaaday tahriibayaasha, isagoo aan bixin wax tafaasiil dheeri ah.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in muhaajirinta la xiray laga yaabo in ay ku jiraan qaar Soomaali ah wallow dowladda Tunisia aysan soo bandhigin jinsiyadaha tahriibeyaashan.

Muddo sanado ah, wadamada Waqooyiga Afrika sida Tunisia, Algeria, Libya, Mauritania, iyo Morocco waxay goob joog u ahaayeen isku dayo ay sameeyeen tahriibayaal - oo u badan kuwa ka yimid Saxaraha ka hooseeya - si ay u gaaraan Yurub, iyagoo rajeynaya nolol wanaagsan.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta xeebaha dalka Tunisia, in ka badan 37,000 oo muhaajiriin aan caadi ahayn ayaa la xiray kaliya sanadkii 2022. Waa tiro aad u adan iyo walwal horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM