Turkiga oo laga soo iibsanayo gaadiid lagula diriro Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaaradda gaashaandhiga Kenya ayaa qorsheyneysa in ay Turkiga kasoo iibsato 118 gaadiid nooca aan xabadda karin ah ayna isticmaalaan ciidamadda milariga, sidda uu Isniinta maanta ah wariyey bogga The Star.

Sidda ku xusan warbixinta, ujeedka ay xukuumadda Nairobi u soo iibsaneyso gaadiidkan gaashaaman waa in ay ku xoojiso ciidamadeeda dagaalka kula jira maleyshiyadda Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay waddanka Soomaaliya.

Zipporah Kioko, afhayeenka ciidamadda difaaca Kenya, ayaa shaaca ka dhigtay in heshiiska ay kusoo iibsanayaan gaadiidka uu qarka ku saaran yahay dhamaad. Balse ma aysan shaacin magaca shirkadda ay kasoo iibsanayaan.

Kioko oo aan baahin goorta ay lasoo wareegi doonan baabuurta ayaa daaha ka rogtay in ay kaga hortagayaan halisaha qaraxyadda miinooyinka.

Jariiradda Daily Star ayaa daabacdey in gaadiidkan wadartoodu tahay 118 xabo ay dowlada Kenya kusoo iibsaneyso aduun lacageed dhan 70 milyan doolar.

Baabuurta nooca APC ee ciidamada Kenya haystaan waqti xaadirkan ayaa kala ah; Puma M26-15, WMZ 551BSI, Mamba MK5, Bastion iyo CS/VP 14, waxaana la shaqo-geliyey sanadihii u dhaxeeyay 2010 iyo 2019-kii.

Gaadiidkan waxaa haatan lagu isticmaalaa gudaha Soomaaliya iyo Kenya. Noocyadda cusub waxaa la filayaa in dhabahaas maraan.

"Ciidamadda Kenya waxay sameeyeen qiimeyn qoto dheer, waxayna ogaadeen in howlgaladda casriga ah ay khatarta ugu weyn ee ay wajahayaan ay tahay halista kaga imaaneysa qaraxyadda nooca miinadda, ismiidaaminta iyo weerarada gadiska ah," ayuu Kioko ku yiri wareysiga uu bixiyey.

Ciidamadda Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana tiradooda lagu sheegaa ku dhowaad saddex kun. Badankooda waxay ka howlgalaan goboladda Jubooyinka ee koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM