Uganda Airlines oo baajisay duulimaadyadda Muqdisho

Image

KAMPALA, Uganda – Uganda Airlines ayaa joojisay duulimadyo ay ku tagi lahayd qaar kamid ah dalalka uu saameeyay faafitaanka Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Wargeyska Uganda Business News ayaa go'aanka hakinta wuxuu kasoo xigtay mas'uul sarre oo shirkaddaas ka tirsan.

Duulimaadyadda la baajiyey ayaa waxay shirkaddu ku tagi lahayd; Muqdisho, caasimada Soomaaliya, Nairobi iyo Mombasa oo Kenya ah; Kilimanjaro iyo Zanzibar ioo waddanka Tanzania ah.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii dalalkaan ay xaqiijiyeen kiisaskoodii ugu horeeyay ee caabuqa COVID—19.

Soomaaliya waxaa laga helay hal kiis; Kenya waxay sii mareysaa todoba, halka Tanzania ay ka badan tahay laba.

Dowladahan ayaa dhankooda mar sii horeysay muddo laba todobaad ah u joojiyey duulimadyadda ah caalamiga ah.

Sidda ku xusan warbixinta Uganda Business News, madaxweyne Yoweri Museveni ayaa go'aanka joojinta duulimaadyadda diyaaradda ku dhawaaqi doono saacadaha soo aadan.

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyadda ku yimaada Muqdisho ayaa mar sii horeysay baajiyey safaradooda. Turkish Airlines iyo Ethiopia Airlines ayaana kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM