Uganda: Hubka oo la mamnuucay kahor shir madaxeed caalami ah

Image
Shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay ayay kaliya xayiraadan saameynaysaa.

KAMPALA, Uganda - Ilaalada gaarka ah ee Uganda ayaa laga mamnuucay inay hub qaataan ilaa inta uu ka dhamaanayo shir madaxeedka caalamiga ah ee muhiimka ah ee ka furmaya caasimadda Kampala.

In ka badan 4,000 oo ergo ah, oo uu ku jiro Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madax kale, ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka 19-aad ee Dalalka Dhexdhexaadka ah.

Shir-madaxeedka ayaa socon doona muddo sagaal maalmood ah.

Dhammaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa lagu wargeliyay in shir madaxeedka dartiis aan la ogolaan doonin dhaqdhaqaaqa ilaalada gaarka ah ee wata hubka ilaa dhammaadka bisha.

Agaasimaha bilayska ee u xilsaaran hawlgallada John Nuwagira ayaa u sheegay shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay inay ula dhaqmaan awaamiirta "degdegga iyo adkaynta aad u baahan tihiin xaaladdu".

Nuwagira oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in si weyn loo adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha, goobaha shirarka iyo hoteelada magaalada Kampala.

Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga oo kasoo hor-muuqdey saxaafadda, ayaa sheegay in sidoo kale la kordhiyay tillaabooyinka looga hortagayo argagixisada.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa la wareegi doona hoggaanka Dalalka Dhexdhexaadka ah isaga oo badalaya Madaxweynaha Asarbayjaan kaasoo lagu magacaabo Ilham Aliyev.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM