Uganda oo xaqiijisay in labo Askari looga dilay Soomaaliya

Image

KAMPALA – Labo Askari oo u dhashay dalka Uganda, kamid mid ahaa howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaadey magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelle Hoose Talaadadii lasoo dhaafay ee Todobaadkan.

Lt. Col. Deo Akiiki, oo ah ku xigeenka afhayeenka ciidamada Militeriga Uganda ayaa maanta oo Arabaco ah u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua dilka labada Askari.

Askarta ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey magaalada Marka kahor booqashadii Madaxweyne Farmaajo 14-kii bishan October.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in weerar gaadmo ah oo lagu qaadey ciidamadeena ku sugan Marka lagu dilay labo Askari, waxaa sidoo kale jira dhowr askari oo dhaawac soo gaarey,” ayuu yiri Akiiki.

Akiiki ayaa intaasi ku daray inay ka sugayaan howlgalka AMISOM ee Muqdisho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan askarta la dilay iyo kuwa dhaawacmay, si ay ugu wargeliyaan qoysaskooda.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee ciidamo usoo diray Soomaaliya bishii March, 2007, waxaana ka jooga Askar lagu qiyaasay 6,500 kuwaasoo qeyb ka ah 22,000 oo Askari oo AMISOM ka kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM