Uganda oo xirtey taageereyaal Arsenal kadib guushii United

Image
Image
Taliska booliska ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan iyo xariga taageereyaashan.

KAMPALA, Uganda - Koox ka kooban 20 taageere Arsenal ah oo u dhashay Uganda una dabaaldegayay guushii kooxdoodu ka gaartey Manchester United Axadii ayaa lagu xiray magaalada Jinja ee dalkooda.

Sida uu ku warramay wargeyska Monitor, jamaahiirtan ayaa watay kolanyo baabuur ah kuwaasoo ay dad badan saarnaayeen taasoo keentay xabsi in ay dhici karto shil dhimasho badan sababa.

Taliska booliska ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan iyo xariga taageereyaashan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ciidamadda ammaanka ayaan guuleysan.

"Ma garanayo waxa aan sameynay laakiin waxaan si fudud ugu dabaaldegaynay guushii aan ka gaarnay kooxda aan xifaaltano ee Manchester United," taageere Baker Kasule oo wargeysku soo xigtey.

Arsenal ayaa 3-2 ku garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United maalintii Axada ee todobaadkan. Guushaas waxay siisey in ay hogaanka usii qabto horyaalka Premier League.

Goolka laacibka Bukayo Saka iyo labo gool oo uu dhaliyay ciyaaryahanka Eddie Nketiah ayaa ka caawiyey naadiga lagu naaneeso Gunners in ay afka ciida u daraan kooxda Red Devils.

Marcus Rashford iyo Lisandro Martinez ayaa United u dhaliyay labada gool ee guusha aysan u horseedin. Kooxda Arsenal ayaa haatan waxay hogaanka ku haysaa 5 dhibcood waxaana eryanaysa  Man City.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM