Uganda: Wasiir si dirqi ah kaga badbaadey isku day dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo illaa haatan heybtooda aan la aqoon ayaa weerar gaadmo ah waxay ku dhaawaceen taliyihii hore ee ciidamada Uganda, iyagoo dilay gabadhiisa iyo darawalkeeda.

Afar dabley oo watay mootooyin ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday General Katumba Wamala, wasiirka shaqada iyo gaadiidka isaga oo Talaadadii maraya xaafada caasimada Kampala ka tirsan ee Kiasasi.

Afhayeen u hadlay ciidanka Brigadier Flavia Byekwaso ayaa tiri "Waxaa jiray is rasaaseyn uu ku lug lahaa isaga… waa la dhaawacay waxaana loo qaaday isbitaalka, darawalkiisii ​​ayaa la dilay".

Gabadha Wamala, oo gaariga la saarneyd ayaa sidoo kale la dilay, sida uu wariyey telefishinka maxaliga ah ee NBS oo soo xigtay illo wareed ka tirsan laamaha ammaanka balse aan la magacaabin.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Katumba oo ku sugan xaalad culeys taagayna banaanka gaari noociisu yahay SUV ah isla markaana surwaalkiisa midabada khafiifka ah leh oo dhiig daadsan.

Muuqaalada baraha bulshada ayaa sidoo kale waxay muujinayaan daldaloola daaqadaha baabuurka ay yeeleen rasaas la rumeysan yahay in ay tahay midii ay is-dhaafsadeen dhinacyadda.

Dhowr jeer ayaa waxaa dhacay dilal qorshaysan iyo dilal qarsoodi ah oo loo gaystay saraakiil sarsare oo caan ka ah wadanka bariga Afrika sanadihii la soo dhaafay, kuwaasoo xoojiyey shakiga wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in ay yihiin kuwa siyaasadeysan.

Dhibbanayaasha ayaa la sheegay in ay kamid yihiin xildhibaan, sarkaal sare oo booliis ah, dacwad oogaha guud ee ugu sarreeya dalka, hoggaamiyeyaasha sare ee muslimiinta iyo kuwo kale.

Isku dayga khaarijin ee Katumba ayaa laga soo wariyey isla xaafadaha caasimada Kampala ku taala halkaas oo 2017 ay rag hubeysan oo mooto wata ay rasaas ku fureen gaari uu la socday sarkaal sare oo boolis ah.

Sarkaalka booliiska ahaa, Felix Kaweesa, waxaa lala dilay ilaaladiisii ​​iyo darawalkiisii. Baaritaano ay baareyaasha ku sameeyeen ficilkaas ayaan wali lasoo bandhigin natiijadda kama dambeysta ah ee kasoo baxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM