Ugu yaraan 137 qof oo lagu dilay weeraro jidgal ah

Image

NIAMEY, Niger – Dagaalameyaal ayaa mootooyin ku weeraray dhowr tuulo oo ku yaal koonfur-galbeed Niger, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 137 qof, waana rabshadihii ugu dhiig daadashada badnaa ee dalka ka dhacay sannado, sidda ay sheegtay dowladda.

Dablayda ayaa Axadii weerartay tuulooyinka Intazayene, Bakorat iyo Wistane, oo ku yaala meel u dhow xadka ay la wadaagaan Mali, iyagoo tooganayay “wax kasta oo dhaqaaqay”, sidda ay xuseen sarkaal maxalli ah.

Isniintii, dowladda ayaa tibaaxdey in weerarada ay ku dhinteen 137 qof. Saraakiisha maxalliga ah waxay intaas ku dareen in geeridu tahay ugu yaraan 60.

Afhayeen u hadlay dowladda, Zakaria Abdourahamane, ayaa ku caddeeyay qoraal uu ka akhriyay telefishinka qaranka "in dadka shacabka ah ay ula dhaqmaan si bartilmaameed leh, burcadanna hubeysan waxay talaabo hor leh u qaaday argagax iyo naxariis daro".

Weerarrada isuduwidda ah waxay hoosta ka xariiqayaan caqabadda ugu weyn ee soo foodsaartay Maxamed Bazoum, madaxweynaha cusub ee Niger oo guushiisii doorashadii ku celiska ahayd bishii la soo dhaafay ay xaqiijisay Axaddii maxkamadda sare ee dalka.

Niger, waa waddanka ugu saboolsan adduunka marka loo eego qiimeynta horumarka ee Qaramada Midoobay ee 189 dal, wuxuu dalku la halgamayaan kacdoon hubaysan oo ka soo gudbay Mali iyo Nigeria, oo ay ku dhinteen boqolaal qof ayna ku barakaceen ku dhowaad nus milyan kale.

Saddexda tuulo ee la weeraray Axadii waxay ku yaalliin gobolka oomanaha ah ee Tahoua, oo ku tiirsan aagga xudduudka Tillaberi, oo ah goob dagaal oo ay ku habsadeen qaybta galbeed ee Sahel inta badan 10-kii sano ee la soo dhaafay waxaana sidoo kale sii hurinaya dagaalameyaal gacansaar la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM