Uhuru iyo Abiy Axmed oo ka degay Eritrea, lana kulmay Afewerki [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta oo Axad ah gaarey dalka Eritrea, oo sanadkii 2018 bog cusub u furay xiriirka dalalka gobolka.

Uhuru iyo Abiy oo Labo diyaradoo ku kala tagey magaaladda Asmara ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afewerki iyo mas'uuliyiin kale oo dowladdiisa katirsan.

Lama oga waxay salka ku hayso booqashada, balse qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayuu ku sheegay in saddexda hogaamiye ay kawada hadlayaan xiriirka dalalkooda u dhaxeeya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Eritrea ayaa sanadkii tagey heshiis taariikhi ah oo nabadeeda la gashay Itoobiya, kaasi oo lagu soo afjaray colaaddii labada dalka u dhaxeeysay mudo 20 sano, waxayna isku fureen xuduudaha isku iyo socodka shacabka labada dhinac.

Abiy Axmed ayaa labo jeer booqday Asmara sanadkii tagey, balse Uhuru ayaa u ah markii ugu horeysay iyadoo dalkiisana uusan kamid ahayn wadamada gobolka ee iskaashiga cusub u billowday, kuwaasoo kala ah; Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM