UK oo taageertay qorshe ay Kenya si feejigan uga fulineyso Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Boqortooyadda Britain ayaa waxay u sacabo tuntay qorshaha bixitaanka ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kaasoo ay ku tilmaamtay in uu yahay "mid si taxadar leh lagu fulinayo".

Julius Court, ku xigeenka ergayga UK u fadhiya Nairobi oo ka hadlayey tababar ay si wadajir ah u qaadanayaan ciidamada Kenya iyo kuwa Ingiriiska, ayaa xusay in ay si dhow ula socon doonan xaaladda Soomaaliya.

"Boqortooyadda Midowday waxay la soconeysaa xaalada Soomaaliya. Walaaca ina hayo waa in waddanka uu heli doono xasilooni," ayuu ka sheegay Dugsiga Tababarka ciidamada Kenya ee ku yaala Isiolo.

Dugsigan wuxuu fariisin uu u yahay Ciidamada Boqortooyada ee jooga Kenya tan iyo 1963 xilligaas oo Nairobi ay dib heshay xorriyadeeda.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu sheegaa in ay gaareyso in ka badan 3,500 askari kuwaasoo badankooda ka howlgala gobolada Jubooyinka wallow qaar ay Muqdisho joogan.

Faarujinta Soomaaliya, waxaa talaabo looga baahan yahay in ay wada qaadaan dowladaha ciidamada ku tababarucay Soomaaliya, balse waxaa Kenya u dheer in madaxdeeda ay si furan uga biyo-diideen arrintan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo bishii September u waramay telefishinka France24 wuxuu si cad u sheegay in aysan wali go'aansan taariikhda ay ka hayaami doonan dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Sanadkii 2011-kii ayay soo galeen Soomaaliya ayagoo aan ogolaanshiyo ka haysan xukuumadda Muqdisho balse ay ku qasabtay halista Al-Shabaab oo korortay, waxaana ay dib kaga biireen howlgalka AMISOM.

Taageerada ay qorshahooda bixitaanka uga haleen UK ayaa la aaminsan yahay in ay sarre u sii qaadeyso dhaqan-gelinta istaraatiijiyadan oo ay soo dhiraan-dhiriyeen saraakiisha ugu sareysa ee milatariga wadanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM