UNESCO oo aqoonsatay 8 masjid kuna yaala Ivory Coast

Image
Masaajidan ayaa qaab dhismeedkooda laga soo miin-guuriyey boqortooyo todoba qarni kahor ka jirtay Mali. [Photo: AFP]

YAMOUSSOUKRO, Ivory Coast – Sideed masjid oo ku yaala waqoyga waddanka Ivory Coast kuwaasoo qaab dhismeedkooda laga soo miin-guuriyey boqortooo todoba qarni kahor ka jirtay dalka Mali ayaa helay aqoonsiga hay’adda UNESCO.

Qoraal kasoo baxay hay'addan laguna daabacay ciwaankeeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay masaajidan ay yihiin dhaxal ay tahay in uu mas'uuliyad iska saaro ilaalintooda qof walba oo bini'aadam ah.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka soo baxay Talaadada maanta ah, masaajidan "waxay tusaale, caddeyn iyo astaan u yihiin qaabka ganacsiga wadamadda dhaca Saxaraha qaaradda".

Masaajidan oo u muuqaal eg kuwa Suudaan ayaa waxay ku kala yaaliin magaalooyinka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee kala ah; Tengréla, Kouto, Sorobango, Samatiguila, M’Bengué, Kong iyo Kaouara.

"[Goobahan lagu cibaadeysto] waa kuwa ugu wanaagsan oo kamid ah 20 kale oo noocooda ah kuwaasoo ku yaala Ivory Coast, waxaana ay jireen boqolaal sano kahor qarnigii lasoo dhaafay," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka hay’ada.

Aqoonsiga ay masaajidan ka heleen hay’addan ka tirsan Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay la macno tahay in ay dunida ka helayaan tixgelin dhaqameed gaar ah iyo badbaadin dheeraad ah.

United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (oo loo soo gaabiyo UNESCO) waa hey'ad ka tirsan ururka Qaramada Midoobay oo qaabilsan Waxbarashada, Seyniska iyo Dhaqanka. Waxaana la aasaasay 1945.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM