Vladimir Putin oo balanqaad u sameeyay ciidamadda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in uu Kenya ka caawinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta iyo agabka ciidanka.

Yaboohan ayaa yimid markii intii uu socday Shirka Russia-Afrika ay Moscow kuwada kulmeen dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Putin oo hogaamiyeyaasha Afrika siyaabo kala duwan u qaabilay ayaa xusay in ay xukuumadiisa sarre u qaadeyso maalgeshiga iyo ganacsiga Afrika.

Moscow ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqday in ay cafisay malaayiin Doollar oo ay ku lahayd qaaradda, taas oo qeyb ka ah qorshaheeda cusub.

Macharia Kamau, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa dhowaan xusay in ay qorsheynayaan saxiixa heshiisyo cusub.

Qandaraasyadda ayaa ku saabsan dhinacyo kala duwan sida farsamada, dhaqaalahaa, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Injineeriyada hawada.

Kenya ayaa kalyeenti fiican ka ah iibsashada hubka Ruushka iyadda oo ku bedelata dhoofinta caleenta shaaxa oo beeraha dalkan caan ku yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: RSF oo sheegatay inay si buuxda ula wareegtay magaalo u dhow xadka Itoobiya

Dowladda Sudan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay fududeyneyso taageero milatari oo Imaaraadka Carabta uu siinayo RSF.

  • Afrika

    13-08-2026

  • 04:50PM

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM