Waa kuma "wiilka lo'leyda" ee madaxwaynaha noqdey?

Image
Sanadkii 2016-kii waxaa dacwad loogu soo oogay in uu waddo u baneen-waayey kolanyo madaxwayne.

LUSAKA, Zambia - Hogaamiyaha mucaaradka Zambia, Hakainde Hichilema, ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee sida adag loogu loolamayay todobaadkii hore gaar ahaan Khamiistii.

Mr Hichilema ayaa cod aqlabiyad leh kaga adkaaday madaxweynaha talada haya ee Edgar Lungu - oo helay in ka badan hal milyan cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka.

Waa markii lixaad oo Hichilema isu soo sharaxay madaxtinimada balse kan ayuu ku guuleystay. Jamaahiirtiisa ayaa ku dabaaldegaya jidadka caasimadda Lusaka. Lungu ayaa aqbalay guuldarada una hambalyeeyay Hichilema.

Goor sii horaysay, wuxuu ku andacooday in aanay doorashooyinku u dhicin si xor iyo xalaal ah wuxuuna sheegay in saraakiisha doorashada ee xisbiga talada haya laga eryay goobaha codbixinta, taasoo keentay in codadka la ilaalin waayay.

Tirakoobkii ugu dambeeyay, guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Hichilema uu ku guuleystay 2,810,777 cod, Mr Lungu-na uu helay 1,814,201. Waxaa diiwaan-gashanaa todoba milyan oo codbixiye.

Waa kuma "wiilka lo'deyda?

Mr Hichilema wuxuu ku dhashay degmada Monze. Wuxuu ku guuleystay inuu deeq waxbarasho ka helo Jaamacadda Zambia, isagoo markii dambe ku qalin jabiyay shahaadada MBA ee Jaamacadda Birmingham ee UK.

Wuxuu noqday mid ka mid ah ragga ugu taajirsan Zambia kana taajiray maalgelinta, daaqa, hantida ma guurtada ah, daryeelka caafimaadka iyo dalxiiska. Mr Hichilema ayaa dhibaatooyin kala kulmay mas'uuliyiinta tan iyo markii uu siyaasadda galay.

Guuleystaha ayaa isku tilmaamay "wiil lo'ley ah". Wuxuu guuldaro kala hoydey doorasho kasta oo ka dhacda Zambia tan iyo 2006. Hase yeeshee, mar walba waxaa sii kordhayey saamiga codbixinta.

Sannadkii 2016, Mr Hichilema ayaa shaaca ka dhigay in doorashada la musuqmaasuqau kadib markii uu kaga adkaaday Mr Lungu oo waqtigaas la shaaciyey in uu helay codad dhan 100,000 cod.

Kadib doorashadii 2016, waxaa lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran kadib markii uu waddo u baneen waayey kolanyada madaxweynaha. Afar bilood ayuu xabsi ku qaatay ka hor inta aan meesha laga saarin dacwadda.

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM