Waayihii milatariga Faransiiska ee Burkina Faso oo soo afjarmay

Image
Milatariga la wareegay xukunkan dalkan dhaca Galbeedka Afrika ayaa ku dhawaaqay go'aankan.

PARIS, France - Milateriga Burkina Faso ayaa si rasmi ah waxa uu u soo afjaray howlgalkii ciidamada Faransiiska ee ku sugnaa dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika, sidda ay taliska xukunka haya uu ku dhawaaqay.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxay dhamaad u tahay joogitaanka heshiis labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2018-kii kaasoo ciidamadda Faransiiska u ogolaadey in ay dalkan kula dagaalamaan argagixisada.

Xiriirka ka dhaxeeya wadamadda Faransiiska iyo Burkina Faso ayaa xumaaday tan iyo bishii Sebtembar 2022-kii xilligaas oo afgambigii militari uu ka dhacay dalalkan.

Bishii hore, iyada oo uu sii xumaanayo xiriirka, Burkina Faso waxay sheegtay inay go'aansatay inay soo afjarto heshiiska militariga "sababo ku aadan in milariga uu doonayo in uu dalkiisa difaaco".

Dibadbaxyo dhowr ah oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Faransiiska ee dalkaasi ayaa dhacay waxaana banaanbaxyaashu sheegeen in Paris aysan waxba ka tarin la dagaalanka argagixisada tan iyo sanadkii 2015-kii.

Bishii Disembar, mas'uuliyiinta Burkina Faso ayaa waxay sidoo kale dalbadeen in la beddelo safiirka Faransiiska, Luc Hallade. Danjiraha waxaa lagu eedeeyay in uu "jaajuusnimo iyo faragelin waddo".

Faransiiska ayaa ilaa 400 oo ciidamo gaar ah ku haystey dalkaas, kuwaas oo loo diray in ay caawiyaan ciidamada maxalliga ah si ay ula dagaallamaan fallaagada xiriir la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM