Wadahadalo u bilowday dowladda Itoobiya iyo Jabhada Oromada

Image
OLA oo ah jabhad hubaysan kana soo jeeda gobolka Oromada ayaa dagaal kula jira Addis Ababa tan iyo 2018-kii.

NAIROBI, Kenya - Wajigii koowaad ee wada-hadallada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLA ayaa Talaadadii ka furmay dalka Tanzania, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay jabhadda.

Labada dhinac ee colaadda ay ka dhaxeysay muddo sanado ah ayaa wada-xaajoodkoodu yahay horudhac waxaana uu ka ka bilowday ismaamulka Zanzibar, sidda laga soo xigtey afhayeenka OLA, Odaa Tarbii.

"Wadahadalladan bilowga ah waxaa loogu talagalay in lagu yagleelo aas-aaska doodo ballaaran mustaqbalka dhow," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Kenya iyo Norway ay dhexdhexaadinayaan.

"Dhiirada waxaa saaran markan waa kalsooni dhisida iyo cadeynta boosaska," ayuu sii raaciyey. Dowladda Itoobiya ee fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaan wali ka hadlin dhacdadan taariikhiga ah.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa todobaadkii hore waxa uu ku dhawaaqay in wadahadalka OLA uu furmi doono Talaadada, balse ma uusan bixin wax faah faahin ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania Stergomena Tax oo la hadlay warbaahinta Talaadadii shalay ayaa sheegtay in ay aqbaleen codsi ku aadan marti gelinta wada hadalada, wufuudda qaarna ay bilaabeen in ay yimaadaan.

OLA oo ah jabhad hubaysan kana soo jeeda gobolka Oromada ayaa dagaal kula jira Addis Ababa tan iyo 2018-kii oo ay kala jabeen Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF markii ay ka tanaasuleen halgankii hubaysnaa.

Oromia ayaa ku hareeraysan magaala madaxda Addis Ababa waana gobolka ugu weyn uguna dadka badan Itoobiya, waxaana sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay xasuuqyo qoomiyado ah oo ay fuliyeen kooxo aan la garanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM