Wadahadalo u bilowday dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF

Image
Midowga Afrika ayaa hogaaminaya wadaxaajoodyadan ay goobjooge ka yihiin wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.

CAPTE TOWN, South Africa - Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sheegay in wareegii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee gobolka Tigray ee Itoobiya ay billaabeen.

Faahfaahino kale ayaa laga bixiyay, ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay goobta uu shirku ka dhacayay oo ah meel aan la garanayn oo ku taal Koonfur Afrika.

Vincent Magwenya, afhayeenka madaxtooyada ayaa saxaafadda u sheegay in wada-hadallada oo markii hore dib u dhac ku yimid dhowr jeer la soo gabagabeyn doono 30-ka Oktoobar.

Hadalka wadahadalka ayaa yimid ka dib markii dhanka xukuumadda Itoobiya iyo hoggaanka xisbiga Tigray People’s Liberation Front, ama TPLF, ay xaqiijiyeen inay u ambabaxeen Koonfur Afrika Isniintii.

Wadahadalladan waxaa hoggaaminaya hoggaamiyihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, oo hadda ah ergayga Geeska Afrika ee Midowga Afrika, oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika, Phumzile Mlambo-Ngcuka, iyo madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Guddiga Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ay goobjooge ahaan uga qeyb galayaan.

Dagaalka Tigray-ga ayaa sii xoogeystay todobaadkii la soo dhaafay, iyadoo dowladda Itoobiya ay dooneyso inay la wareegto garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha kale ee gobolka.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxay sheegtay Isniintii in ciidamadeedu "ay wadeen gacan ku haynta xarumaha waaweyn ee magaalooyinka dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM