Wadahadalo u bilowday Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyneyaasha Kenya iyo Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta, ayaa wadahadalo laba geesood ah uga bilowdeen Madaxtooyadda magaalada Nairobi.

Hogaamiyeyaasha maamulka gooni-u-goosadka ah iyo Kenya ayaa waxaa kulamada ku wehliya mas'uuliyiin heer sarre ah kana kala tirsan labadda dhinac.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo kasoo baxay labada dhinac ayaa lagu sheegay in kulankan lagu lafaguray arrimo khuseeya danaha ay wadaagaan Nairobi iyo Hargeysa.

"Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka December 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta," ayay tiri Madaxtooyada Somaliland.

Kanze Dena Mararo, afhayeenka Madaxtooyada Kenya, ayaa war qoraal ah uu la wadaagay saxaafadda wuxuu ku sheegay in wafdiga Biixi ay Nairobi joogi doonan saddex casho.

Socdaalka Biixi oo shalay ka duulay Hargeysa ayaa yimid iyadda oo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya uusan fiicneyn, wallow Somaliland ay xustey in uusan saameyn karin.

Kenya ayaa u muuqata mid xiriir toos ah oo ay la yeelato Somaliland dooneysa in ay uga faa'iideysato cadaadis ay saarto Dowlada Soomaaliya iyo in ay suuq ugu hesho Qaadkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM