Wafdi sare oo ka socda Midowga Africa oo yimid Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka kooban 27 xubnood oo ka socda Gollaha Amniga iyo Nabada ee Midowga Afrika ayaa maanta oo Isniin ah waxay kasoo dageen madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Danjiraha Jabuuti ufadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Maxamed Idris, ayaa hogaaminayay wafdiga oo ujeedkoodu yahay qiimayn ay ku sameeyaan xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee wadanka uu marayo.

Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabduqaadir Axmed Khery, wakiilka midowga Afrika ufadhiya ahna madaxda howlgalka AMISOM, Francisco Madeira, iyo xubno kale ayaa wafuudo kusoo dhaweeyay dalka.

Wafuudo oo muddo 3-maalin ku sugnaan doonta dalka waxay kulamo la qaadan doonan, masuuliyiinta dowlada, maamulada, hogaanka AMISOM, madaxda Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya.

Wadahadaladda ayaa diirada lagu saari doonaa horumarka laga sameeyay qaraarkii Gollaha Amaanka ee UN-ka, kaasi oo masuuliyada amniga AMISOM ugu wareejineyso ciidamada Soomaaliya sanadka 2020-21.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu xusay in wafuudo ay si lamid ah kala xaajoon doonan dhinacyadda ay la fariisanayaa qorshaha amniga qaranka, midka kala guurka iyo dhisitaanka ciidanka xooga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM