Walaac laga muujiyey xaalka ciidanka Tigray ee howlgalada UN-ka

Image

NEW YORK, US – Qaramada Midoobay ayaa ka cabsi qabta in Dowladda Itoobiya ay beegsato saraakiisha kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee qeybta ka ah howlgalada nabad-ilaalinta UN-ka, sidda uu wariyey majaladda Foreign Policy.

Wargeyska oo soo xigtey mas'uuliyiin ka tirsan UN-ka ayaa intaas ku daray in ay jiraan saraakiil Tigray ah oo laga soo daad-gureeyay Suudaan iyo South Sudan isla markaana ay diyaaradda Ethiopian Airlines ay dib ugu celisay Addis Ababa.

Sidda ku xusan warbixinta, Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa dabagal ku haysa meesha la geeyay saraakiishaan oo aan la aqoon, waxaana ay ka walaacsan tahay in ay suurtagal tahay in jirdil iyo xadgudubyo loo geysto xubnahaas.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in ay jiraan saraakiil kale oo lagu xiray wadamada ay ka howlgalaan kana mid tahay Soomaaliya iyo qaar kale oo shaqo joojin iyo hub ka dhigis ay ku sameeyaan taliyeyaasha guutooyinkooda.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu xiray 14 sarkaal isla markaana lagu sameeyay shaqo joojin iyo hub ka dhigis. Balse ma cadda hadii loo dhoofiyey Addis Ababa.

Xukuumadda Addis Ababa ayaan wali ka jawaabin qalyo-dhaanta UN-ka iyo wararka ku saabsan in xukuumadda Addis Ababa ay bartilmaameedsaneyso saraakiisha Tigray ee howlgalada nabad-ilaalinta u jooga wadamada caalamka.

Gobolka Tigray oo ku yaala waqoyga Itoobiya isla markaana ay ku nool yihiin shan milyan ruux waxaa todobaadyo ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogaga taabacsan hogaanka ismaamulkaas, waxaana ka dhashay khasaaro.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, boqolaal askar iyo rayid ayaa ku geeriyootay isku-dhacyadda, halka kumanaan kale ay u qaxeen waddanka deriska la ah ee Sudan.

Qaramada Midoobay ayaa horey uga digtay dambiyo dagaal oo ka dhasha colaadda Itoobiya. Digniinta waxay timid markii Hay'adda Amnesty International ay tibaaxdey in ay jiraan xasuuq wadareedyo lagula kacay dad badan oo shacab ah.

Isku-dhaca ayaa ah natiijada is-mari-waa siyaasadeed oo muddo bilooyin ah u dhaxeeya hogaanka siyaasada gobolka Tigray iyo xukuumadda Abiy Axmed kaasoo xuduntiisu ahayd doorashooyinka iyo maxkamadeynta xadgudubyadii dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM