Walwal lasoo darsay Xildhibaan ay gurigiisa u dhaceen dabley

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka degaanka Bumula ee dalka Kenya ayaa waxaa habeenkii Talaadada u dhacay hoygiisa dabley.

Warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas ayaa kusoo waramaysa in mudanaha uu xiligaasi ka maqnaa gurigiisa, balse uu kusoo wajahnaa.

Tuugada oo la sheegay in ay hubeysnayd ayaa sumeysay Ey uu lahaa Mwambu Mabonga xili ay burburiyeen iridka aqalka.

Si lamid ah burcadda ayaa lasoo warinayaan in ay qaataan talafishin gaar ahaan nooc uu cabirkoodu dhan yahay 32 inchi.

Booliska tuuladaasi ayaa u sheegay wariyaasha in labo ruux oo uu mid kamida yahay ilaalada guriga loosoo xiray dhacdadaasi.

Mwambu Mabonga ayaa suxufiyiinta u sheegay in falkaasi uu ahaa mid isaga la doonayay in lagu khaarijiyo.

Waxa uu carabka ku dhuftay in siyaasiyiin tuuladaasi ku nool ay isaga horey ugu goodiyeen in ay geeri u horseedi doonan.

Dowladda ayuu ka codsaday in ay sugto nabad-gelyadiisa, isla markaana ciidamo horleh loosoo daabulo gurigiisa.

Dhacdooyinka noocaan ah oo ay xukuumada Nairobi uu caal-la'dahay ayaa mudooyinkii dambe aad ugu soo banayay gudaha dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM