ًWaqtigii loo qabtay ka bixitaanka ciidamada Faransiiska ee Niger oo dhamaaday

Image

NIAMEY, Niger - Waxaa Maanta ku eg waqtiga kama dambaysta ah ee uu golaha militariga ee talada haya ee Niger u qabtay in ciidamada Faransiiska isaga baxaan dalkaas.

Shalay ayay ahayd markii xubno ka tirsan golaha militariga ay ka qeyb galeen banaanbaxyo ka dhacay afaafka hore ee saldhiga ciidamada Faransiiska ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Niamey, kaasoo lagu dalbanayay in ciidamada Faransiiska laga saaro dalka Niger. Banaanbaxayadan ayaa la filayaa in uu maanta galinka dambe gaaraan heerkii ugu sareeyay.

Golaha militariga ee Niger ayaa wajahaya hanjabaado uga imaanaya Faransiiska, waxaana laga yaabaa in hanjabaadahaasi ay horseedi karaan iska horimaad toos ah oo dhexmara labada dal.

Dadka Siyaasadda indha indheeya ayaa ka baqaya in dalalka gobolka ay ku biiraan dagaalkaas oo uu isu rogo dagaal goboleed saameeya qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM