Wariye caan ah una dhashay Pakistan oo lagu dilay Nairobi

Image
Askar ka tirsan booliska Kenya ayaa la sheegay in ay ka dambeeyay falkan markii ay ku qaldeen ruux kale.

NAIROBI, Kenya - Wariye reer Pakistan ah, Arshad Sharif, ayaa lagu soo waramay in booliska Kenya ay toogteen habeenimadii Axadda kadib markii ay qof kale ku qaldeen, sidda ay warisay saxaafada.

Arshad Sharif oo kiiskiisa uu durba dhaliyey tuhun badan ayaa la sheegay in madaxa looga toogtay wadada isku xirta Nairobi iyo Magadi ka dib markii ciidamada booliska ay ceyrsadeen.

Xaaska Shariif ee Javeria Siddiqui ayaa baraha bulshada soo dhigtay qoraal si ay u xaqiijiso geerida iyadoo tiri: "Waxaan maanta waayay saaxiib, saygayga iyo weriyaha aan jeclaa ee Arshad Sharif, sida ay boolisku sheegeen waxaa lagu toogtay gudaha Kenya".

Wariyaha dambi baarista Kenya John Allan Namu ayaa sidoo kale wuxuu xaqiijiyay geerida, waxaana uu beeniyay wararka sheegaya in dilka Shariif uu sabab u ahaa inuu Kenya u dhoofo si uu ugala shaqeeyo dhokumentari baaritaan ah.

Arshad ayaa la sheegay in uu ku howlanaa kiis baaritaan musuq maasuq ah oo loogu magacdaray "Behind Closed Doors" kaasoo ku saabsanaa dabagalka shaqsiyaadka awooda badan ee is-dabamarinta sameeya.

Taliska bileyska Kenya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhimashadda saxafiga. Xiriiro kala duwan oo ay saxaafadda la sameysay waxa ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan.

Dilalka saxafiyiinta ayaa naadir ku ah waddanka Kenya. Balse, waxaa xargaha goostey sanadihii lasoo dhaafay musuqmaasuqa. Madaxwayne Ruto wuxuu ku ololeeyay in uu si adag ula dagaalamayo qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM