Wariyeyaal loo xiray baahinta muuqaalka madaxwayne isku-kaadiyey

Image
Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dalbaday sii deynta saxafiyiintan.

JUBA, South Sudan - Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay sii daayaan lix wariye oo la xiray ka dib markii la baahiyay muuqaal la sheegay in uu muujinayay madaxweyne Salva Kiir oo isku kaadinaya.

Shaqaalahan oo ka tirsan warbaahinta dowladda Koonfurta Suudaan ayaa Talaadadii waxaa xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, sida uu sheegay Guddiga Difaaca Suxufiyiinta, oo xiganaya warbixinnada warbaahinta iyo ilo kale oo arrintan la socda.

Waxaa ku socda baaritaan ku saabsan muuqaal bishii December lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo u muuqday in uu muujinayo Kiir oo isku kaadinaya xilli uu ku jiray howl rasmi ah, sida ay wararku sheegayaan, ayay CPJ oo fadhigeedu yahay New York ku tiri bayaan ay gelinkii danbe ee Jimcihii soo saartay.

Wakiilka CPJ ee dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika Muthoki Mumo ayaa sheegay in xariggan uu qeyb ka yahay habka ay xubnaha hay’adda nabad-sugiddu ugu “kacaan xarig aan sabab laheyn markasta oo ay saraakiishu u arkaan in warka baahay uusan wanaagsanayn” ayuu yiri.

“Waa in maamulku si aan shuruud laheyn ku sii daayaan lixda wariye ee warbaahinta SSBC ayna xaqiijiyaan in ay shaqeyn karaan iyagoo aan wajaheynin caga-jugleyn iyo hanjabaad xarig ah” ayuu yiri.

Ururka wariyeyaasha qaran ee Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda in ay “si degdeg ah ku soo gabagabeyso” baarista ay ku waddo lixda wariye oo uu ururku sheegay in lagu tuhmayo in ay “wax ka ogaayeen in qeybo ka mid ah muuqaalka la baahiyo”.

“Haddii uu jiro kiis anshax-xumo xirfadeed ah ama dembi markaa mas'uuliyiintu waa in ay dedejiyaan hab maamul ama sharci si arrintan ugu dhacdo hannaan caddaalad ah, daah-furan oo waafaqsan sharcig,” ayuu ururku ku yiri bayaankiisa.

VOA + AFP

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM