Wasiir arrimo dibadeed "tusaale xun" u soo qaatay Soomaaliya

Image

ALGIERS, Algeria – Wasiirka arrimaha dibadda Algeria, Sabri Boukadoum, ayaa wuxuu tusaale aan wanaagsaneyn u soo qaatay Soomaaliya xilli uu ka hadlayey xaalada colaadeed ee ka aloolsan dalka Libya.

Boukadoum ayaa ka digay in Libya oo tobanaan sano ku jirta dagaalo sokeeye ay noqoto "Soomaaliyada cusub" isagoo u muuqda mid muujinaya in xaalada dalkaas ay hadda ka fiican tahay dowlada federaalka ah.

Libya oo ay ku loolamayaan qaar kamid ah quwadaha caalamka ayaa dagaalkeedu yahay mid ay dowladaha isku adeegsanayaa dalal kale.

"Waxaan ka digeynaa in dagaal-wakiileedka uu Libya ka dhigo Soomaaliyada cusub," ayuu wariyeyaasha u sheegay, sidda uu shalay oo Sabti ahayd uu kasoo xigtay wargeyska maxaliga ah ee The Libya Observer.

Bishaan July 5-teeda ayay ahayd markii madaxweynaha Algeria, Abdimajid Tebun, uu gef noocaan oo kale uu kula kacay waddanka Soomaaliya.

"Xaaladda Libya waxay noqon kartaa mid ka darran sidii dalka Syria, haddii aan la gaarin heshiis nabadeed iyo xabad joojin....waxaan ka baqayaa in qabiil waliba uu is hubeeyo, kadibna ay xaaladdu la mid noqoto sida Soomaaliya oo kale," ayuu u sheegay TV-ga Faransiiska laga leeyahay ee France 24.

Inkasta oo dagaal sokeeye uu dhacay 1991, Soomaaliya ayaa kasoo kabaneysa sawirkii xumaa, waxaana ay sameysay horumaro kala duwan, wallow aysan wali soo gaarin halkii shacabka ku taamayeen.

Madax caalami ah, heer qaaradeed iyo gobolka ayaa siyaabo kala duwan ugu digtay kuna oor-kacsada Soomaaliya marka ay ka hadlayaan qadiyado la xiriira taariikhyadii hore.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa aalaaba ka gaabsata xadgudubyaddaas ama jawaabta ay ka bixiso waxay noqotaa mid dabacsan.

Algeria, dal Carbeed oo dhaca waqoyga Afrika, ayaa 5-tii bishaan u dabaaldegay maalinta madax-banaanidiisa, waxaana soo gumeystay Faransiiska. Intii u dhaxeysay 1991–2002 waxaa ka ooganaa colaad sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM