Wasiir la eryay kadib fadeexad ka dhalatay muuqaal laga duubay

Image
Muuqaalkan ayaa qeyb ka ahaa barnaamij baaritaan oo uu sameeyay wariye si weyn isku-qariya.

ACCRA, Ghana – Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa shaqadda ka eryay wasiiru-dowlahii maaliyadda, Charles Adu Boahen, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyadda waddankaas.

Wareegtadda ayaa lagu sheegay in talaabadan uu madaxwaynuhu qaadey kadib markii uu ka war helay eedeymaha ka dhanka ah Adu Boahen ee la xiriira howlaha barista macdanta dahabka ah.

Adu Boahen ayaa ka jawaabin codsi jawaabtiisa la xiriira talaabadan, sidda ay ku warantey wakaaladda wararka Reuters oo sheegtay in ay xiriir la sameysay.

Dhanka kale, wasiirka maaliyadda Ghana, Ken Ofori-Atta, ayaa sidoo kale wuxuu wajahayaan baaqyo ah in laga saaro golaha baarlamaanka sababo ku aadan musuqmaasuq iyo maamul xumo dhanka maaliaydda ah.

Ghana ayaa wajahaysa dhaqaale-xumo baahsan taasoo saameyn weyn ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshadda gaar ahaan dadka saboolka ah.

Macdan qodista ayaa aad ugu badan Ghana, dalka labaad ee ugu badan ee Afrika kasoo saara dahabka, waana saddex meelood hal meel wax-soo-saarka dalkan. Baaritaan dhowaan la sameeyay ayaa kashifay Adu Boahen.

Baaritaankaas uu sameeyay wariye Anas Aremeyaw ayaa muujiyey in Adu Boahen uu laaluush ka qaato macdan qodayaasha. Tani waxaa ka dhashay carro dadwayne kuwaasoo ku baaqayay in si degdeg ah loo eryo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM