Wasiir suuxay markii lagu wargeliyey in xilka laga qaadey

Image
Illo wareedyo ku dhow qoyskiisa ayaa laga soo xigtey in uusan fileyn kana naxay ceyrinta.

ABUJA, Nigeria - Wasiirkii tamarta waddanka Nigeria, Saleh Mamman, ayaa lagu waramay  in uu miyir-beelay ka gedaal markii ay soo gaartey akhbaar ku saabsan in xilka laga qaadey.

Mamman oo xilka hayey tan iyo 2019-kii ayaa waxaa la dhigay isbitaal halkaasoo lagu daaweynayo. Qoyskiisu waxay sheegeen in uusan fileyn kana naxay ceyrinta.

Majaladda The Street Journal ayaa waxay warisay in 63-sano jirkan uu 3-dii bilood ee lasoo dhaafay deganaa Hotel-ka loo tamashlo tago ee Transcorp Hilton.

Sida ku xusan warbixinta, waxaa halkaas ku biilayey ganacsato ka fileysay in uu qandaraasyo siinayo. Mamman wuxuu ku baxay isku-shaandheyn uu sameeyay madaxwayne Muhammadu Buhari.

Sidoo kale, isku-shaan-dheyntaas ayaa waxay galaafatay Sabo Nanono, oo ahaa wasiirka beeraha isla markaana saaxiibo dhow ay ahaayeen Saleh Mamman.

"Sida dadka lacagta ka bixinaayey mudada gaaban ee hoteelka raaxada uu deganaa ee faa'iidada ku qabay joonyaddiisa ay uga falcelinayaan waa arrin kale oo maad leh," ayuu boggu raaciyey.

Nigeria ayaa kamid ah wadamadda qaaradda Afrika ee musuqmaasuqa ugu badan uu ka jiro. Mas'uuliyiinta waxaa si ballaaran loogu dhaleeceeyaa in ay ku takrifalaan hantida dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM