Wasiir tagaya gobolka Tigray xilli walaac culus uu jiro

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - U adeegsiga gaajada iyo kufsiga hub ahaan gudaha dagaalka gobolka Tigreega ee Itoobiya waa mid aad looga walaaco, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibada Ireland, Simon Coveney oo sidoo kale ku baaqay joojinta colaada sii xoogeysanaysa.

Mr Coveney wuxuu tibaaxay  inay jiraan "waxyeelo runtii walaac leh" oo ka dhashay markii suuq camiran si ula kac ah loola bartilmaameedsaday duqeyn xagga cirka ah Arbacadii kuna dhinteen 60 qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale.

"Waxaa suuragal ah inay isu rogto dambiyo dagaal iyo jebinta shaki la'aanta ah ee qaanuunka caalamiga iyo bani'aadamnimada," ayuu yiri. "Dhibaato dhab ah ayaa ka jirta dhulka waana inaan ka iftiiminaa," ayuu raaciyay, isagoo sidoo kale walaac ka muujiyay weerarada lagu hayo shaqaalaha samafalka.

Mr Coveney wuxuu bisha soo socota booqan doonaa Geeska Afrika, oo ay ku jiraan Itoobiya iyo gobolka ay dagaallada aafeeyeen Tigreega halkaas oo khilaafka kala dhexeeya dawladda federaalka ah ee ra'iisul wasaare Abiy Ahmed uu billowday Nofeembartii la soo dhaafay, waxyar ka hor xilliga doorashooyinka.

Kumanaan qof ayaa la dilay, malaayiin kalana way ka barakaceen guryahooda halka 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin gargaar cunno oo deg deg ah, sida ay sheegeen hay'adaha arrimaha bini'aadanimada.

Ciidamada Eriteriya, oo ay ku eedeeyeen kooxaha xuquuqul insaanka xasuuq, ayaa wali ku sugan Tigreega iyaga oo la dagaalamaya kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), in kasta oo ay balan qaadeen in ay ka baxayaan dalka.

Itoobiya waa dalka ugu badan ee maalgelinta ka hala waaxda horumarinta dibedda Ireland ee Irish Aid taas oo bixisay €3.2 milyan si ay u taageerto ka jawaabida bani'aadamnimada ee Tigray iyo dejinta qaxootiga u cararay deriskooda Suudaan wallow deeq dheeriya loo baahdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:33AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:06AM