Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo taliyeyaal ciidan oo la eryay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ceyriyey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka, Taliyaha guud ee Ciidamadda, iyo taliyaha booliska federaalka, sidda ay warisay EBC.

Sidda laga soo xigtay digreeto uu soo saarey Abiy, Demeke Mekonnen ayaa loo magacaabay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dibadda, isagoo bedelaya Gedu Andargachew oo xilkaas hayey tan iyo April, 2019.

Taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sidda ee Itoobiya ayaa, sidda ku cad wareegtan ku taariikheysan 8-da bishaan November, sanadka 2020, laga dhigay Jeneraal Berhanu Jula.

Gaashaanle Dhexe Ababaw Tadesse ayaa waxaa la sheegay in uu loo xushay in uu noqdo taliye ku xigeenka cusub ee ciidamadda difaaca Itoobiya kuwaasoo magacooda loosoo gaabiyo ENDF.

Agaasimaha Hay'adda awooda badan ee qaabilsan arrimaha Mukhaabaraadka Qaranka Itoobiya iyo Arrimaha guud ee Ammaanka ayaa waxaa la xaqiijiyey in laga dhigay Temesgen Tiruneh.

Demelash G. Michael ayaa dhankiisa waxaa laga dhigay Taliyaha Booliska Federaalka, halka Gedu Andargachew loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Isbedeladan ayaa kusoo hagaagaya xilli waqoyga Itoobiya uu ka socdo dagaal u dhaxeeya maamulka Abiy iyo ismaamulka Tigreeyga. Isku-dhacaan waa natiijada is-qabqabsi siyaasadeed oo xuduntiisu tahay doorasho iyo awood qeybsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM