Wasiirkii sharciyeeyay midab-takoorka South Afrika oo dhintay

Image
Sideetan iyo shan jirkan ayaa soo noqdey wasiirka sharciga iyo kala dambeynta si lamid ah wasiir ku xigeenka difaaca.

CAPE TOWN, South Africa - Wasiirkii hore ee sharciga iyo nidaamka dalka Koonfur Afrika, Adriaan Johannes Vlok, ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Unitas ee magaalada Pretoria isaga oo 85 jir ah.

Vlok waxa uu soo noqday wasiir intii u dhaxaysay 1986 ilaa 1991. Waxa uu sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhiga xiligii Koonfur Afrika ee midab takoorka.

Afhayeen u hadlay qoyska iyo kaaliyihii hore ee xoghayaha warfaafinta ee Vlok Peet Bothma ayaa u xaqiijiyay geerida. Wuxuu yidhi: "Vlok waxa uu bukay in muddo ah".

Afhayeenka Qoyskiisa Peet Botha: “Waxa uu subaxnimadii hore ee saaka ku geeriyooday cisbitaalka Unitas ee ku yaala Centurion. Waxa uu bukay muddo laba bilood ah".

Ilaa hadda lama garanayo sababta uu u dhintay. Qoyskiisa waxay sheegeen in ay diiradda saarayaan aaskiisa. Dadweynaha ayay ka dalbadeen in ay kala soo qeybgalaan munaasabadda duugta.

Muddadii uu ahaa wasiirka sharciga iyo kala dambaynta, waxa uu door ku lahaa xakamaynta 17 urur oo ka hortagga midab-takoorka, xariga iyo cabudhinta 30 000 oo qof.

Si uu ugu markhaati furo doorkii uu ku jiray xilligii midab-takoorka, Vlok oo la aaminsan yahay in uu sharciyeeyay midab-takoorka waxaa cafis u fidiyay guddiga runta iyo dib u heshiisiinta 1999-kii.

Sannadkii 2006-dii waxa uu sameeyay qiraal dheeraad ah oo ku saabsan kaalintiisa jidh-dilka iyo qabashada dadka u dhaqdhaqaaqa ka-hortagga midab-takoorka, isaga oo bixiyey raaligelin buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM