Weerar ay Al-Shabaab u maleegtay mashruuc oo "la fashiliyey"

Image
Mashruucaan ayaa lagu waramay in ay ku baxeyso aduun lacageed dhan hal milyan doolarka Mareykanka.

NAIROBI, Kenya - Saraakiisha amniga Kenya ayaa ka hortagay "weerar argagixiso" oo ka dhan ah mashruuc lagu maalgelinayo in ka badan $1 milyan, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Weerarkan ayaa la fashiliyay kadib markii la xiray muwaadin Kenyan ah oo ku sugnaa ismaamulka Tana River, kaasi oo la rumeysan yahay inuu xogta mashruuca la wadaagay maleyshiyaadka Al-Shabaab.

"Xogta illaa hadda laga qoray latuhunsanaha waxay xaqiijineysaa macluumaad ay dhowaanahan helayeen booliska oo ah in uu Al-Shabaab lacag laga badalanayey macluumaadka," ayuu qoray Kenyans.com.

Mashruuca la aaminsan yahay in weerarka loo maleegayay ayaa ah Lamu Port South Sudan Ethiopia Transport (LAPSSET) Corridor lagana fulinayo gobolada Waqooyi Bari, Tana River iyo Lamu.

"Ujeedada weerarka waxay tahay in la carqaladeeyo mashruucan iyo qorsheyaasha kale ee ku saabsan arrimaha horumarinta gobolka," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxdey laamaha ammaanka.

Eedeysanaha oo magaciisa aysan wali soo bandhigin hay'adaha nabad-gelyadda ayaa lala xiriiriyay weeraro hore oo lagu qaaday dhismaha LAPSSET oo saddex mooto lagu gubay, laguna dilay 7 qof oo rayid ah.

Al-Shabaab ayaa joogitaan culus ku leh qeybo kamid ah waddanka Kenya. Dabley ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa Isniintii Jubada Hoose ku dilay saddex askari oo u dhalatay Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM