Weerar gaadmo ah oo lagu dilay askar iyo dad shacab ah

Image
Waa duulaankii ugu horeeyay oo muddo sanado ah ka dhaca aaggan aadka loo ilaaliyo.

ABUJA, Nigeria - Dabley ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidan iyo magaalo ku taal waqooyi bari Nigeria, waxayna ku dileen sagaal askari, laba boolis ah iyo dad rayid ah, sidda ay sheegeen illo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Iyagoo wata gawaari ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca, dagaalyahannada oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish ee Galbeedka Afrika (ISWAP), ayaa xoog ku galay magaalada Malam Fatori, oo ka tirsan degmada Abadam, gelinkii dambe ee Jimcihii iyo horraantii Sabtidii.

"Argagixisada ISWAP ayaa weerartay Malam Fatori waxayna geysteen burbur aad u weyn kaas oo aan ka shaqaynayno sidii aan u qiyaasi lahayn," ayuu sarkaal milateri u sheegay AFP.

Labo ka mid ah laamaha ammaanka ayaa Axaddii waxay hoosta k xariiqeen in sagaal askari iyo laba boolis ah lagu dilay weerarka saldhigga, balse ma shaacin tiradda dadka shacabka ah.

"Waxay soo weerareen saldhigga ciidamada, waxaana dagaal ku dhexmaray koox labaad oo dil iyo qab-qabasho ka geysatay magaalada," ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Weerarkii ugu horeeyay oo ka dhacay meel u dhow xudduudda Niger ayaa yimid ka gadaal markii ciidamadda ay saacado kahor iska caabiyeen weerar kale oo uga yimid isla maleyshiyadda.

Malam Fatori, oo 200 kilomitir u jirta caasimadda gobolka ee Maiduguri, kuna taal cirifyada harada Chad, ayaa waxaa qabsaday maleyshiyaadka Boko Haram sanadkii 2014-kii, balse waxaa dhabarka qabsadey militariga sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM