Wiil uu dhalay madaxwayne caan ah oo lagu daray liis madow

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyahan uu Washington u joogo shirka Mareykanka iyo Afrika.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay afar qof oo Zimbabwe u dhashay oo uu ku jiro wiil uu dhalay madaxweynaha waddankaas Emmerson Mnangagwa.

"Maanta, Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ee Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) wuxuu xayiraad saarey afar qof oo Zimbabwean ah iyo laba hay'adood oo reer Zimbabwe ah, waxayna ka saartay toddobo iyo toban Zimbabwean ah liiska dadka sida gaarka ah loo raadinayo iyo liiska dadka la xannibay (SDN)," ayaa lagu yiri bayaanka.

Mnangagwa wiilkiisa ayaa loogu daray liiska cunaqabataynta sababo ku aadan "in uu yahay xubin ka tirsan qoyska madaxtooyadda oo aad ugu dhow madaxweyne Emmerson Mnangagwa".

"Dadka cunaqabataynta la saarey ayaa ku xadgudbay xuquuqul insaanka iyo kuwa wax u dhimaya hannaanka dimuqraadiyadda ama fududeeya musuqmaasuqa," ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaaadeedka oo loo qeybiyey warbaahinta ayaa lagu xusay in xayiraadda Maraykanku aanay beegsan dadka Zimbabwe, dalka Zimbabwe, ama qaybta bangiyada Zimbabwe.

"Hadafka cunaqabatayntu waa beddelka dabeecadda. Ficilada maanta waxay muujinayaan taageeradayada Zimbabwe oo hufan oo barwaaqo ah," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Shaacintan ayaa kusoo beegmaysa xilli 50 hogaamiye oo Afrikaan ah ay ku kulmayaan magaalada Washington si ay shir madaxeed ula yeeshaan madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM