Wiil uu dhalay madaxwayne hore oo lagu xukumay 12-sano xarig ah

Image
Armando Guebuza ayaa lagu helay kiis musuqmaasuq oo dhan aduun lacageed $2 bilyan.

NAIROBI, Kenya - Ndambi Guebuza, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Mozambique, Armando Guebuza, ayaa 12 sano ah lagu xukumay kadib markii lagu helay kiis musuqmaasuq oo dhan $2 bilyan.

Fadeexadan ayaa ka dhalatay deymo la siiyay saddex shirkadood oo ay dowladdu leedahay - Indicus, Ematum iyo Mam. Lacagta ayaa loo qoondeeyay in lagu maalgeliyo mashruuc kalluumeysi.

Guebuza waxa uu xukumayay Mozambique intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2015, waxaana deymahaas si qarsoodi ah u ansixiyay dawladdii ka talinaysay Mozambique Liberation Front (Frelimo) oo uu markaas hoggaaminayay, iyada oo aanay ogayn baarlamaanka iyo maxkamadda maamulka.

Ndambi Guebuza waxa uu ka mid yahay kow iyo toban qof oo xabsiga ku jiri doona inta u dhaxaysa 10 ilaa 12 sano waxana uu sidoo kale ay bixin doonaa lacago ganaax.

Bruno Langa, saaxiibkii Ndambi Guebuza, ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah marka lagu daro ganaax Meticais 252,000 (qiyaastii $3,945).

Mid ka mid ah dadka caanka ah ee ka maqan maxkamadda balse kiiskan qeybta ka ah waa wasiirkii hore ee maaliyadda Manuel Chang. Waxa uu ku xirnaa Koonfur Afrika tan iyo bishii December 2018.

Chang oo la qabtey ka gadaal codsi ka yimid dowladda Mozambique ayaa lagu eedeeyay inuu maleegayay khiyaano qaran, wax isdaba marin amni iyo lacag la dhaqay. Wuu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM