Wiil uu dhalay madaxwayne hore oo loo xiray kiis xasaasi ah

Image
Dambi-baareyaasha ayaa sheegay in qabashada ay ka dambeysay markii baaritaanka lagu helay caddeymo horudhac ah.

NAIROBI, Kenya - Booliiska dalka Malawi ayaa xiray wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaasi Peter Mutharika. Xariga ayaa qeyb ka ah baaritaan lagu ogaanayo xabaalo wadareedyo aan la aqoonsan oo laga helay degmada waqooyiga Mzimba bishii hore.

Mas'uuliyiinta Malawi ayaa tibaaxay in 29-ka mayd ee la soo saaray ay u badan tahay inay ahaayeen muhaajiriin Itoobiyaan ah.

Booliska ayaa ka shanqariyey in baaritaano ay sameeyeen ay ku soo qabteen Tadikira Mafubza sidoo kalena ay xireen gaari ay uga shakiyeen in lagu daabuli jiray dadka dhintay.

Khabiir ku takhasusay cudurrada, oo qayb ka ah kooxda baaritaannada ku sameynaya meydadka, ayaa carabka ku dhuftey in natiijadii qeyb ka mid ah la horgeeyay booliiska Malawi, isla markaana warbixin dhameystiran la soo gudbin doono dhammaadka bisha.

Malawi ayaa la daalaa dhacaysa dhibaatada ka ganacsiga dadka oo ay abaabuleen ururo abaabulan oo isugu jira rag, haween iyo caruur ka kala yimid wadamada Bariga Afrika oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Soomaaliya. Malawi ayaa looga sii tahriibaa Koonfur Afrika, Yurub iyo Mareykanka.

Sannadkii 2020, maxkamadda sare ee Malawi ayaa ku xukuntay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Uladi Mussa iyo sarkaal ka tirsanaa laanta socdaalka shan sano oo xadhig ah ka dib markii ay ka caawiyeen dadka aan Malawi u dhalan inay helaan baasaboorka dalkaas.

Mr Tadikira ayaan wax hadal ah ka soo saarin xukunkq, balse xisbigii hore ee talada hayay ee Democratic Progressive Party ayaa ku tilmaamay xariga mid qeyb ka ah sixir siyaasadeed oo ka dhan ah qoyska Mr Mutharika iyo taageerayaashiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM