Wiil uu dhalay madaxwayne oo xil looga qaadey qoraal dood abuuray

Image
Balse, jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa loo dalac-siiyey jagadda ugu sareysa ee dalkaas.

KAMPALA, Uganda - Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa laga qaaday xilkii taliyaha ciidamada dhulka ee dalkaasi, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Balse, waxa loo dalacsiiyay darajada Jeneraal buuxa, oo ah darajada ugu sarreysa ee ciidanka. Sidoo kale, waxa uu sii ahaanayaa la taliyaha madaxweynaha ee hawlaha gaarka ah.

Ma cadda in go’aankani uu wax lug ah ku leeyahay qoraalo uu shalay ku daabacay Twitter-ka kuwaasoo muranka dhaliyay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Gen Kainerugaba ayaa horay u ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee qaabilsan ilaalinta madaxweyne Yoweri Museveni.

Jeneral Kayanja Muhanga oo hogaaminayay howlgalada ciidamada Uganda ee Soomaaliya, haatana hogaaminaya ciidamada dagaalka kula jira jabhada Allied Democratic Front (ADF) ee ka dagaalanta jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo ayaa la wareegaya xilka taliyaha ciidamada dhulka.

Isniintii, Gen Kainerugaba ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in isaga iyo ciidankiisa ay ku qaadan doonto laba toddobaad oo kaliya in ay la wareegaan caasimadda Kenya ee Nairobi.

Balse subaxnimadii Talaadada ayuu sheegay in uu la hadlay Aabihiis, Madaxweyne Museveni, wuxuuna qiray in qoraalkiisa Twitter-ka uu buuq ka dhaliyay Kenya.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha uu "ku dhawaaqi doono isbedel", inkastoo uusan si cad u sheegin haddii uu ka hadlayo isku shaandheynta ciidamada.

Dowladda Uganda oo u muuqata in ay xaaladda diblumaasiyadeed dajineyso ayaa iska fogeysay dooda baraha bulshada ee ka dhalatay qoraalo is daba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wiil uu dhalay madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM