Wiilal uu dhalay madaxwayne oo isku-dagaalay iibka diyaarad

Image
Aabahooda ayaa waddankan dhaca bartamaha Afrika waxa uu xukumayaa muddo ku suntan 43-sano.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka Equatorial Guinea ayaa si shakhsi ah u amray in la xidho walaalkiisa kadib markii lagu eedeeyay inuu iibiyey diyaarad ay leedahay dawladda, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

Labada madaxweyne ku xigeenka ee Equatorial Guinea iyo walaalkooda ay dhanka aabaha walaalo ka yihiin ayaa waxaa dhalay madaxweyne Teodoro Nguema Obiang Mangue.

Teodoro Nguema Obiang Mangue ayaa la aaminsan yahay in uu yahay madaxweynihii ugu xukunka dheeraa guud ahaan caalamka isla markaana uu xilka hayo muddo 43 sano ah.

Madaxweyne ku xigeenka warka qoraalka ah soo saarey ee Teodoro Nguema Obiang Mangue ayaa "wuxuu muujiyay caro ku saabsan iibka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Ruslan Obiang Nsue, oo ahaa agaasimihii hore ee shirkadda diyaaradaha ee Ceiba International, ayaa ATR72-500 ka iibiyay iyada oo aan oggolaansho laga helin guddiga shirkadda shirkad Isbaanish ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay inuu jeebka ku shubtay dhaqaalihii iibka. Si cad ugamuu hadlin eedaymaha loo jeediyay. Walaalihiisa waxay amreen in xabsi guri la geliyo ka dibna loo wareejiyo "xabsiga garsoorka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweyne Obiang waxa uu gacan adag ku hayaa waddanka saliida qaniga ku ah ee ku yaala bartamaha Afrika, iyada oo xubno dhawr ah oo qoys ah ay ku jiraan door muhiim ah oo dawladda ah.

Sanadkii 1979-kii waxa uu xukunka kala wareegay adeerkii oo ay ciidan la wareegeen, waxaana uu dhowr jeer ka badbaaday isku day afgambi. Bishii December ee sanadkii hore 2022-dii ayaa mar kale loo doortey in uu sii joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM