William Ruto oo dowladiisa jago cusub uga dhiibay Uhuru Kenyatta

Image
Hadal-jeedintiisa ugu horeysay kadib markii la dhaariyey ayuu ku fahfaahiyey waajibaadkan cusub.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne William Ruto ayaa wuxuu u wakiishay madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta inuu mas’uul ka noqdo dadaallada nabadeed ee ay Kenya ka waddo guud ahaan gobolka.

Ruto oo khudbadiisii ​​ugu horeysay u jeediyay shacabka kadib markii loo dhaariyay xilka madaxtinimo ayaa tilmaamay in Mr. Kenyatta uu qabtay shaqo lagu ammaani karo oo ku aadan dadaallada nabadda, gaar ahaan Itoobiya iyo gobolka harooyinka waaweyn oo ka kooban Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. (D.R.C.), Burundi, Rwanda, iyo Uganda.

Sidda laga soo xigtey Ruto oo hadal-jeedintiisa ku muujiyey in uusan isbadal ku imaan doonin siyaasada Kenya ee arrimaha dibadda, Uhuru Kenyatta ayaa ogolaadey in uu sii waddo shaqadaas.

"Dadaaladda nabadeed ee ka socda deegaankeena oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo gobolka harooyinka waaweyn, waxaan ka codsaday walaalkay iga weyn Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo la soo shaqeeyay gobolladaas in uu sii wado," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Waxaan uga mahadcelinayaa in uu si sharaf leh u aqbalay inuu sii hoggaamiyo wadahadalladaas isagoo ku hadlaya matalaya dadka deegaanka Kenya".

Ruto oo noqdey madaxwaynihii shanaad ee Jamhuuriyadda Kenya ayaa xaqiijiyay in maamulkiisu uu taageeri doono dadaallada nabadeed ee uu guddoomin doono Kenyatta.

“Waxaan u ballanqaaday in dowladda Kenya iyo gaar ahaan nafteyda ay taageereyso hindisayaasha uu garwadeenka ka yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana rabaa in aan uga mahadnaqano," ayuu tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM