"Xaalada kasoo daraysa" ee Suudaan oo qaylo-dhaan laga soo saarey

Image
Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa qoraal wadajir ah uga digay in ay faraha kasii baxdo xiisada haatan taagan.

KHARTUUM, Suudaan - Wakiillada Faransiiska, Jarmalka, Norway, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa walwal ka muujiyey xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo ciidamada gargaarka degdegga ah, ama RSF.

"Waxaan ugu baaqeynaa militariga Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha rayidka ah inay qaadaan tillaabooyin firfircoon si ay u yareeyaan xiisadaha," ayaa lagu yiri qayb ka mid ah bayaanka la sii daayay Khamiista.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Khamiista ayay ku xuseen: "Waxaan ku boorrinaynaa inay xajiyaan ballanqaadyadooda oo ay si hufan uga qayb-qaataan xallinta arrimaha taagan ee dib-u-habaynta hay'adaha amniga si loo dhiso mustaqbalka midaysan oo millatari oo lala xisaabtamo dowlad rayid ah".

Diblumaasiyiinta reer galbeedka ayaa si wada jir ah uga digay in xiisada sii xumaanaysa ay khatar ku tahay in la carqaladeeyo wada xaajoodyada lagu dhisayo dowlad ku meel gaar ah oo ay hogaamiyaan shacabka Suudaan.

Bishii la soo dhaafay, labada kooxood ee millatariga waxay ku heshiin waayeen waqtiga loogu talagalay in RSF-ta iyo kooxaha kale ee hubaysan ay ka mid noqdaan ciidan mideysan.

Tan iyo horraantii toddobaadkan, taangiyada ammaanka iyo kuwa milatariga ayaa lagu daadiyay agagaarka xarumaha muhiimka ah ee Khartoum, oo ay ku jirto madaxtooyada.

Arbacadii, boqollaal ka tirsan ciidamada RSF-ta ayaa gaaray deegaanka Merowe oo in ka badan 400 oo KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Khartoum, taasoo keentay in milatariga ay diraan ciidamo dheeraad, ayna codsadaan inay si degdeg ah uga baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM