Xaaska duuliye Ameerikaan ah oo Al-Shabaab ay dishay oo hadashay

Image

WASHINGTON, US – Duuliye ayaa kamid ahaa saddex Ameerikaan ah oo ku jiray dadka lagu khaarijiyey weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga Manda Bay, Axadii, 5-ta Janaayo, 2020.

Weerarka xeraddan oo ay isla isticmaalaan ciidamada cirka Kenya iyo Mareykanka ayaa lagu gubay diyaarado iyo gaadiid, sidda ay xaqiijiyeen milatariga labada dal iyo dhowr illo wareed.

Manda Bay, oo isugu jira saldhig iyo garoon diyaaradeed, ayaa ku yaala gobolka Lamu gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya.

Sidda uu baahiyey talafishinka KOLD News 13, duuliye Dustin Harrison ayaa toogasho lagu dilay intii uu socday weerarka saldhiga, oo la beegsaday 5-tii aroornimo.

Xaaskiisa, Hope, ayaa kusoo qortay boggeeda Facebook "geesigeygii afka gaabnaa" kadib markii ay heshay warka geerida naxdinta leh.

"Waqti xaadirkan, dunida oo dhan waxay ii noqotay cabsi. Xaqiiqadii, waxaan wajahayaa baqdintii ugu darneyd. Xanuun ayaan la neefsan la'ahay. Fadlan noosoo duceeya," ayay raacisay.

Dustin, oo milatariga Mareykanka kula shaqeynayay qandaraasle kaxeeya diyaaradaha, ayaa kasoo jeeda gobolka Arizona.

Dhinaca kale, Henry Mayfield Jr, askari kasoo jeeda Chicago, ayaa sidoo kale kamid ahaa Ameerikaanka ku naf-waayey weerarka.

Qandaraasle saddexaad oo Wasaaradda Difaaca Mareykanka la shaqeynayey laguna dilay "falkaas argagixiso" ayaanan wali lasoo bandhigin magaciisa.

Saldhiga la beegsaday oo sidoo kale la yiraahdo Simba ayaa kamida meelaha ay kasoo duulaan diyaaradaha Mareykanka ee Soomaaliya ka fuliya duqeymaha lala eegto Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM