Xabadjoojintii Sudan ee bisha Ramadan oo burburtay

Image
Dowladda Suudaan ayaa 4 shuruudood ku xirtay dhaqan gelinta xabbad joojinta.

Khartoum (GO) - Ciidamada Cirka ٍSudan ayaa maanta duqeeyay goobo ay ku uruursanayeen ciidamada Taageerada degdegga ah oo ku yaalla xaafado ka tirsan magaalada Khartoum, inkastoo lagu baaqay in xabbad joojin laga sameeyo Sudan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qiiq ka soo baxay dhismayaal ku dhow agagaarka xaafadda Al-Maamoura oo koonfur bari ka xigta caasimadda, iyagoo xusay in la maqlay qaraxyo xooggan.

Dowladda Suudaan ayaa 4 shuruudood ku xirtay dhaqan gelinta xabbad joojinta, Yasser Al-Atta, oo ah Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa xaqiijiyay shuruudahaas, isagoo ugu baaqay Ciidamada Taageerada Degdegga ah in ay isaga baxaan dhammaan deegaannada ay kaga taliyaan caasimadda Khartoum, iyo Darfur iyo Kordofan.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay wax badan ka qabtaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada ka taagan dalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM