Xafiiska Abiy Axmed oo ka falceliyey shilkii diyaaradeed Berdaale

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa si dhow ula socda baaritaanka shilkii diyaaradeed ee Berdaale, 4-tii bishaan May, 2020, sidda uu daabacay wargeyska New York Times.

Jaraa'idka ayaa kasoo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa "in ay wali sugayaan fahfaahina dhacdada".

Mas'uuliyiinta ayaa ku adkeystay in ay ka hadli doonan dhacdada marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka saddex geesoodka ah ee socda.

Diyaaradda ku dhacda magaaladaas ka tirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay siday shixnad gargaar oo loogu galay ka hortagga Coronavirus, waxayna ka baxday magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Lix qof oo laba kamid ah ay duuliyeyaal yihiin ayaa ku naf-waayey burburka diyaaradda African Express ee laga leeyahay dalka Kenya.

Ciidamadda Itoobiya ee fariisinka ku leh Berdaale oo qirtay in ay iyagu soo rideen diyaaradda ayaa qiil ka dhigtay in ay uga shakiyeen in ay kusoo qaadeyso weerar is-miidaamin iyo in aysan xog ka hayn duulimaadka.

Howlgalka AMISOM iyo wasaaradaha difaaca si lamid ah arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaan.

Shilkaas ayaa kusoo beegmay iyaddoo xilaaftanka u dhaxeeya Muqdisho, Addis Ababa iyo Nairobi uu ahaa biloouinkii lasoo dhaafay mid meeshii ugu sareysay gaarey, isla markaana kala aragti-duwanaan weyn ay jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM