Xasarad ka dhex-qaraxdey ismaamulada Soomaalida iyo Cafarta

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Isku-dhac dhexmaray laba maamul goboleed Itoobiyaan ah oo ku murmaya sohdin ayaa sababay geerida ugu yaraan 27 xilli dagaalada qowmiyadaha uu sii xoogeysanayo, sidda ay xaqiijisay dowladda.

Dadkaas ayaa loo dilay "sababo la xiriira colaad xuduudeeda Soomaalida iyo Cafarta," sidda ku cad bayaanka. Maleyshiyo kasoo kala jeeda ismaamulada ku yaala bariga waddankaas ayaa dagaal fool fool ah uu dhexmaray.

Cali Bedel, afhayeenka ismaamulka Kalinka Shanaad oo xaqiijiyey dhimashadda, ayaa eedeeyay dagaalameyaal kasoo jeeda dhigooda Carafta.

"Maleyshiyaad maxali ah kana soo jeeda Cafarta ayaa ka dambeeya dilalkaas," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka dowlad goboleedka Cafarta ayaanan ka jawaabin codsiyo ku aadanaa in uu caddeeymo mowqifkooda kana jawaabo eeda loo jeediyey.

Sanadkii 2014-kii, dowladda Itoobiya oo bedeshay xuduudka labada dhinac ayaa saddex magaalo oo Soomaalida leeyihiin ku wareejisay Cafarta. Soomaalida waxaa laga soo xigtay in ay rabaan dib u hanashada magaalooyinkooda.

Falanqeeyeyaasha oo sheegay in wareejinta aysan ku dhicin qaab sharciyeed ay dhalisay rabshado dhiig ku daatay ayaa ku baaqay xal wada ogol ah.

Tan iyo markii uu hogaanka qabtay Abiy Axmed kaasoo dib-u-habeyn balaaran balanqaadey, Ethiopia ayaa waqooyi illaa bari ka holceysa, waxaana dib u soo cusboonaadey colaada qowmiyadaha kuwaas oo geeri culus keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM