Xayiraada Soomaaliya ee Khaadka oo hurisey xiisada Kenyatta iyo Ruto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qalalaasaha ka dhashay xayiraada Soomaaliya kusoo rogtay Khaadka Kenya ayaa gudaha dalkaas ka dhaliyey xiisad siyaasadeed oo dab ku shiday loolanka madaxweynaha iyo ku xigeenka wadankaas.

Uhuru Kenyatta io William Ruto oo kolkii horey isku hayey doorashooyinka soo aadan ayaa haatan u muuqda kuwa tartankooda u soo weecdey sidii ay u soo jiidan lahaayeen beeraleyda iyo ganacsatadda maandooriyaha.

Kadib markii uu dhowaan ugu baaqay Khaadleyda in ay ku bedeshaan khudaar inta laga xalinayo xiisadda, siyaasiyiin aad ugu dhow Uhuru ayaa weeraray Ruto hadaladaas, iyagoo ku waaniyey in uusan faragelinta qadiyada.

Wasiirka Beeraha, Peter Munya, iyo xubin ka tirsan Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika, Mpuru Aburi, ayaa ku eedeeyay Ruto in uu u adeegsanayo qalalaasaha taagan si uu hoos ugu dhigo sumcadda madaxweyne Kenyatta.

Xildhibaano aysan magacaabin balse ay la xiriiriyeen Ruto ayay ka dhawaajiyeen in ay shacabka ku kicinayaan madaxweynaha. Mudaneyaasha waxay qorsheynayaan isu soo bax ay dowladda uga dalbanayaan talaabo deg-deg ah.

Isagoo garoonka kubadda cagta Maili Tatu ee ismaamulka Bartamaha Igembe kula hadlayey beeraleyda Khaadka, wasiir Munya ayaa banaanbax la filayo ku qeexay "macno darro".

Sharci-dejiyeyaasha ku boorinaya Khaadleyda in ay mudaaharaad sameeyaan oo ka kala tirsan Aqalka Hoose iyo Senate-ka ayaa ku doodaya in dowladda Kenyatta ku fashilantay in ay dhigeeda Soomaaliya kala xaajooto arrintan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khaadka u mamnuucdey sababo la xiriira Coronavirus. Wallow duulimaadyadda gudaha iyo dibadda dib loo furay, haddana mamnuucida maandooriyaha wali lama qaadin, mana la ogga sababta keentay.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay uusan hagaagsaneyn xiriirkooda, waxaana mar walba soo dhex-galayey madmadow iyaddoo kiisaska horyaala ICJ ee xuduudka badda uu yahay qadiyada ugu saameynta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM