Xeelada ay A-Shabaab u adeegsatay weerarka Hotel Dusit D2 ee Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Lix sano kadib weerarkii Westage Mall, magaalada Nairobi, Talaadii 15-ka Janaayo 2019, waxay u ahayd maalin kale murugo leh, waxaana soo maray ku dhawaad 20 saacadood oo qaranka Kenya mahadho ku reebi doonta.

Waxay ahayd 3-dii galabnimo ee shalay, markii qaraxyo waawayn laga maqlay Aaga caanka ku ah magaca 14-ak Riverside, oo ka kooban Hoteelo, xafiisyo iyo Bankiyo, kana tirsan degmada Westlands ee mid kamid ah caasimada gu wayn Afrika.

Qaraxyada kadib, waxaa la maqlay rasaas daran-doori ah, taasi oo ay xigtay inay Hoteelka Dusit-ka 2aad ay gudaha ugu daateen 4 Al-Shabaab ah, kuwaasi oo ku hubeysnaa Qoryaha sida is-dabajoog ah udhaca ee AK 47 iyo Bambaanooyin.

Qof laga soo badbaadiyay oo sharaxay sida wax u dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta in kooxda hubeysan ay rasaasta ugu ridayeen macaamiisha Hoteelka si aan kala sooc-lahayn, iyaga oo qaybaha sare usii gudbay.

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kenya oo goobta si deg deg ah ku yimid ayaa bilaabay howlgal, kaasi oo qaatay saacado, waxaana barbar socday soo badbaadinta dadka ku xaniban dhismayaasha kale.

Dadka laga soo badbaadiyay dhismaha waxaa kamid ah Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], Madaxwaynaha Galmudug, kaasi oo Hoteelka kula balansanaa mas'uuliyiin ka tirsan hay’adda SSF, isaga oo tibaaxay inuu bad-qabo.

"Inaan hadal kuugu sharaxo daqiiqadihii ugu horeeyay, waxaa ka wanaagsan inaan dayno, sababta oo ah waxay ahayd markii ugu horeysay oo aan isku qanciyo in aanan sii noolaaneen," ayuu yiri mid kamid ah dadkii lasoo badbaadiyay.

Uhuru Kenyatta, Madaxwaynaha Kenya, ayaa barqinimadii Arbacadda, ku dhawaaqday in lasoo gabagabeeyay weerarka, isaga oo intaas raaciyay in la khaarijiyay dhamaan xubnihii duulaanka soo qaaday.

Madaxwayne Kenyatta ayaa xaqiijiyay geerida 14 ruux oo shacab ubadan, iyo dhaawaca tobaneeyo kale, isaga oo daboolka ka qaaday in lasoo badbaadiyay in ka badan 170 qof, kuwaasi oo dhismaha ku jiray.

"Kooxaha argagaxisada ah waa ciribtiri doonaa..waxaana uga mahad-celinaynaa ciidamadeena geesiyaasha ah qaabka ay uga fal-celiyeen," ayuu Madaxwaynuhu ku daray hadalkiisa isaga oo wariyaasha kula hadlay Madaxtooyada Nairobi.

- Xaalada ay Al-Shabaab adeegsatay –

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee fadhigeedu yahay Soomaaliya aya sheegtay inau ku dishay weerarka 47 ruux, wallow tiradaasi ay gaashaanka u daruurtay xukuumada Nairobi, iyadoo Uhuru uu xaqiijiyay dhimashadaa 14 qof.

Sida ay aaminsan yihiin khabiirada dhinaca amniga, Shabaab ayaa weerarkii Dusit-ka 2aad waxay u adeegsatay xeelad lamid ah kuwa ay ku beegsato Hoteelada ku yaalo Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

"Fakta hore waa qarax, kadibna dableyda ayaa gudaha ugashay..waa xeeladii Soomaaliya oo loosoo raray Nairobi, Kenya," ayuu yiri Nuqdeeye arrimaha la dagaalanka argagaxisada ah oo eegaya sida uu weerarka ku bilowday.

Xeel-dheerayaasha ayaa ku kala aragti duwan in tani ay muujinayso in awooda Al-Shabaab ay sii xoogaysanayso ama inay hoos-u dhacayso, maadaama duqaymaha Mareykanka lagu dilay saraakiil muhiim ahaa.

Al-Shabaab, oo la aas-aasay 2006-kii, ayaa tan iyo xilligaas waxay fulisay weeraro meelo kala duwan ka dhacay oo Afrika u badan, waxaana ay tahay midda dishay dadka ugu badan Afrika sanadkii hore, sida laga soo xigtay warbixin cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM

Kenya: In ka badan 40 qof oo ku naf-waayay daad ka dhashay roob xooggan

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 109 qof la jiifiyay isbitaalka halka 49 kalena la la’yahay.

  • Afrika

    30-04-2024

  • 04:45AM