Xiisad xoogan oo kasoo cusboonaatay sohdinta Kenya iyo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Warbaahinta Kenya ayaa ku warameysa in ay xiisad xoogan kasoo cusboonaatay sohdinta dalkooda la wadaago Kenya.

Sidda ku xusan warbixinta, xasarada ayaa ka dambeysay markii afar qof oo Kenyan ah lagu dilay degaanka Sessi, 12-kii bishaan Maaj, 2020.

Dadka degaanka ayaa falkaas ku eedeeyay dabley aad u hubeysan oo ay sheegeen in ay kasoo talaabeen dhanka Itoobiya.

Saxaafada ayaa intaas ku dartay in maleeyshiyaadka ay u dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah isla markaana ay gubeen.

Dhacdooyinkaas oo lagu gubay "rag fara badan" ayaa lasoo wariyey habeenimadii Khamiista ee todobaadkii lasoo dhaafay

Mas'uuliyiinta degaanka oo kulan degdeg ah ka yeeshay xaalada ayaanan wali wax war ah kasoo saarin geerida dadkaas shacabka ah.

Ma cadda sababta ka dambeysa arrintaan, wallow aysan ahayn markii ugu horeysay oo xiisad noocaan ah ka dhacdo xadka labada dal.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Kenya ay xiisad kale kaga furan tahay dhanka Soomaaliya oo dagaal culus uu ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM